Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

QEYBTA KALGACALKA IYO XUSUUSTII JACEYLKAAGII KUSSO MARAY

south africa city barashada contact us quraan Guest Book boga shekoyinka qisooyin jaceyl  aroosyada xulka heesaha Welcome To hanadnews caashaq  Guest Book Guest Book My Files cabdi fitaax Welcome To My Homepage qisoyin naxdin leh world cup 2010 What's New welcome to beertii jaceylka Welcome To My Homepage Welcome To My Homepage boga tahniyada hanad

WAXAAN UGU HAMBALYEYNAYAA DHAMAAN AKHRISTAYAASHEENA SHARAFTA LEH IN AAD BOGAAN KAHELI DOONTAAN QISOOYIN JACEYL OO DHAB AH IYO ARIMAHA JACEYLKA HADEY AHAAN LEHEED GEERAARO JACEYL HEESO JACEYL IYO WELIBA ANWAAC BADAN OO KALA BADALAN HADABA WAXAA KUSOO DIYAARIYAAY WARIYAASHEENA QOFKA UGU FIR FIRCOON WAA SACDIYO SHARAF OO AALAABA DIYAARISA ARIMAHA JACEYLKA IYO BULSHADA HADABA HAMOOGAANIN WWW.HANADNEWS.4T.COM

  1. www.hanadnews.4t.com waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa qiso jaceyl oo dhab ah Waxaa been aheen jaceelku in uu yahay mideeyaha aadanaha ama lab iyo dhadigba jaceelku waa wax uu rabi inoogu nimceeyay hadaba marar badan ayaa maqasheen hebal waxaa haayo jaceel hadaba bal qisadaan oo ah dhacdo run ah ayaa waxaa ka dhacday dalka kenya ee aan dariska nahay qisadaan oo ku bilaabatay sida tan ,waqtiga wuxuu ahaa galab jawiguna wuxuu mid ku asteysan leer qaboow cirka waxaa ku daboolnaa daruuro ximbaarsan roob jawigun wuxuu isku soo badalaayay mugdi mugdi maxamad hussen sida caadada u aheed wuxuu ka soo labtay goobtii uu ka shaqeynaayay wuxuuna u soo socday xaafadiisa oo aanan markaas ka fogeen maxamad wuxuu soo xiray dukaankiisa asigoo banaanka taagan oo eegaayo roobka xiliga u ku soo beeganyahay ayaa waxaa in dhahiisa qabteen gabar aad u qurux badan oo uusan horay u arkin maxamad ayaa si aan yareen u fiiriyay gabadhii niyadiisana ku canaantay ala tan ma xuurar ceyntii la sheegaayay baa tan magacan baa lagu sameeyay ala tan hooyadii dhashay waa mid naxariis badan maxamad saacado kadib ayuu ku soo laabtay caadi markaasuu wuxuu fahamay in uu jid dhax taaganyahay markaasuu u dhaqaaqay dhanka gurigiisa inta uu usii socday gurigiisa ayuu dhowr su aal is weydiiyay waxaa ka mid ahaa gabadhaan ma mid la qabaa mise waa gabar ala gabadhaan kii calf ku yeeshay soo cawo iyo ayaan soo mahan ala kii ay curad u xambaarto soo uma dhacan waa in aan gabadhaan aan raadiyaa hooyga ay ku nooshahay maxamad wuxuu tagay gurigii asigoo aad u liita mar walbana ay maskaxdiisa ku soo laabaneyso gabadhii quruxdeyda waayo aad ayuu ula dhacay gabadha mar walbana wuxuu is weydiinaayay tan qurux badanaa maxamad habeenkaas raaxo kuma uu san seexan waayo wuxuu ahaa mid aad u wal walsan waagii ayaa korkiisa kbaryay sidii ayuu ku soo aaday dukaankiisa asigoo iska ku jira shaqadii ayaa waxaa u timid gabar ay daris yahiihin xooga ayey la joogtay makaasuu waxa uu u sheegay shalay in uu la kulmay ama uu arkay gabar aad u qurux badan inta uu ifka ku nolaa uusan arkin gabadhii ayuu tilmaam ka bixiyay asigoo tilmaamtii sii wada ayaa gabadhii waxey tiri maxamad sug ala waan aqaanaa oo daris ayaa nahay gabadhaas waa saaxiibtey maxamad waxaa wajigiisa ka soo hooray dhidi waa weyn markaasuu yiri ala abaayo macaan gabadhaas miyaad saaxiibo tihiin ala nasiib badaniyaa bal ii sheeg magaceeda markaasey ku tiri waxaa la dhahaa salma waana gabar aad u wanaagsan maxamad abaayo macaan waxaan kaa codsanayaa gabadhaas xalay oo dhan waxaan ku dhax jiray hurdo ku saleysan qarow iyo isla hadal waana gabadha aad saaxiibada tihiin e salma ayaan aad u jeclaay abaayo macaan maxaad igu caawin kartaa aboowe macaan waxaan kuugu caawin karaa wax ala oo aad iiga soo baahatid diyaar ayaan kuu ahay abaayo macaan in aad i barto ayaan kaa codsanayaa aboowe diyaar waan ku barayaa maxamad mar kaasuu yiri abaayo macaan maxaan ku gudaa abaalkaga inta aan aduun saaranahay kuma iloobaayo abaayo macaan caawa ayaan kuu imaanayaa waxaan rabaa salma in aad i barto caawa iyo 8.00 habeenimo ayaan kuu imaanayaa guriga ayaan kuugu imaanayaa waa yahay aboowe waan ku sugayaa adiga waaye waa yahay abaayo sidii ayuu ku macsalaameeyay gabadhii maxamad saacado yar kadib ayuu soo xiray shaqadii wuxuu yimid xaafadiisa ileen xalay oo dhan hurdo ma uu san helin qarow ayuu waqtigii ku dhameestay balse waqtiga uu hada joogo farxad ayaa ka muuqato waayo ileen gabadhii ayuu gacan ku dhigi rabaa maxamad waxaa ku dheeraaday waqtigii ileen waa ruux wax jecel wuxuu rabaa in waqtigii la soo gaabiyo balse saacado yar kadib ayaa ugu haray balantii ayuu isku diyaarinayay qubees ayuu galay waxa uu lasoo baxay dhar uu san xiran waligii maxamad habeenkas waxey u aheed habeen xusuus mudan maxamad ruuxii arkaa habeenkaas sida uu u labisnaa waxaa loo moodaa sida ruux caruus ah sida uu sii tilaabsanaayay wuxuu gaaray guriigii albaabka ayuu istaagay xoogaa yar kadib ayuu garacid u galay waxaa ka furtay fowsiya oo aheed salama saaxiibteyda maxamad ay is yaqaaneen fosiya ayaa soo dhaweysay maxamad waxey u sii gudbisay qolkii fadhiga ahaa fowsiya iyo maxamad waxaa la galay kaftan yar waxaab alaabaakii soo garaacday salma fowsiya markaasey maxamad ku tiri waa saaxiibtey salma isug albaabka aan ka furayaa fowsiya ayaa kacday oo albaabkii furtay salma oo hade loo maleeyo ruux lagu soo daadiyay luul oo kale si aad ah u dhalaaleyso ayaa soo gashay maxamad oo qolkii fadhiga ahaa ku jira ayaa waxaa soo gaartay caraftii salma ee barafuunka iyo catarka ay isku soo jabisay maxamad ayaa niyadiisa ka yiri ala ilaahoow nasiib iyo iigu dar tan in aan guri geesto fowsiya oo horkaceyso salma ayaa qolkii so wada galay maxamad ayaa salaan kagu bilaabay fowsiya ayaa hadalkii furtay oo tiri salma abaayo wiilkaan aan ku baro waxaa la dhahaa maxamad waa walaalkey maxamad gabadhaan waxaa la dhaa salma waa saaxiibtey labadiinaba barasho wanaagsan markaasey yiraahdeen ok fowsiya waad mahad santahay kaftan yar kadib fowsiya ayaa waxey firaaqeysay goobtii waxaana ku soo wada haray maxamad iyo salma maxamad ayaa hadlkii furay oo yiri salma macaan aad ayaan ugu faraxsanahay barashadeena salma markaasey ugu jawaabtay anigaba aboowe maxamad sidoo kale maxamad ayaa yiri salma macaanto xoogaa yar aan kuu sir baxee abaayo macan caawa waxa aan u dalbaday barashaada oo aan halkaan u imid ayaa waxey tahay abaayo macaan maalmahaan oo dhan ma aheen ruux caadi ah waayo waxaan ku dhax jiray riyo laakiin caawa ayey riyadii ii rumoowday macaanto runta hadii an kuu sheego aad ayaan kuu jeclahay fowsiyana anigaa ka dalbaday in ay i kaabarto marka macaanto waxaan rabaa in aan wadaagno waxa dunida ugu qaalisa aanan la heli karin ilaa ruux rabi uu naxariista mooyee waxaa waaye jaceel macaanto waxaan kaa codsanayaa in aad wax ila qabato waayo ruux walboo jiran ama bukaan ah dhaqtar ayaa daaweeya sida daawadiisa loo helo wey fudutahay laakiin cudurkaan aniga i haayo adiga unbaa daawo u ah macaanto salma gacaliso in aad i garab istaagto ayaan rabaa ee macaanto maxaad ka qabtaa salma oo hoos u foorarta ayaa ugu jawaabtay sida tan aboowe macaan maxamad runtii adunkaan aanu ku noolnahay seen kuneeflaha oo idil waxa ay wadaagaan waa jaceel marka hadii aad aniga i jeceshahay aboowe waxaan diyaar u ahay in aan dhaxda marada ku xirto oo aan si daacad ah kuu garab istaago ayaa blan kaaga qaadayaa ee maxamadoow raga wuu qiyaano badan yahay ee aboowe macaan qiyano iga ilaali maxamad ayaa ugu jawaabay macaanto salma inta aan ifka saaranahay lagama yaabo in aan adiga ku qayaano waayo sida aan kuu ahay aniga iyo ilaah ayaa og ruux kale oo dareemi karo majiro macaanto marka waa igu balan in aan ku qayaanin macaanto maxamad oo hadalkiisii sii wato ayaa yiri salma runtii ma ogtahay in aad miirkeyga o dhan la tagtay ma ogtahay in aan hoowlaheeygii oo dhan kuu iloobay macaanto salma aad ayaan u liitaa adiga ayaan ku jeclahay macaanto salma ayaa tiri macaane waan ogahay hadaba wan kaaga jeedaa dhib dhaawac waan kula qeebsanayaa fowsiya ayaa ku soo laabatay waxeyna u keentay cabitaan xoogaa ayaa la wada kaftay waxaala gaaray xili dambe salma iyo maxamad wey soo wada baxeen maxamad ayaa sii dhaweeyay gacalisadiisa marka ay u dhawatay gurigooda ayey ku tiri aboowemacaan waan joogaa xaafad markaasaa maxamad labada dhina iyo bushumaha laga shumiyay maxmad ayaa aad u farxay runtii kama uu san fileynin shumiska salma macaanto habeen wanaagsan waxaa lagu wada balamay xaafada fowsiya iyo habeen dambe 7,00 maqribnimo
  2. waxaa qalinka  uqaadatay soona diyaarisay sacdiyo jamac oo kumagac dheer (sacdiyo sharaf) lasoco qeybta 2aad

Aduunyada warer iyo 1779 Viewed

Somali Music www.hanadnews.4t.com
AAR BandAbbaAbbaseyn

Abdi Ali (Bacalwaan)

 Abdalle Sagsaag

Abdi Diini & Falis

Abdi Baadil

Abdi Hasan Dige

Abdi Haybe Laambad

Abdi Jamac  (Qaboojiye)

 

Abdi Janan

Abdi Khadar Hasan

Abdi Kumi

Abdi Maaxi Muuney

Abdi Omar

Abdi Qays

Abdi Salaad Beerdilaacshe

Abdi Shire Jama (Jooqle)

Abdi Tahliil

Abdiaziz Ali (Iskalaji)

Ab Abdicasis Jarmaldicasis Jarmal

Abdifataah Kuus

Abdifatah Ahmed

Abdihakim Ciise Geedi

Abdijibar Alkhaliji

C/qaadir Cumar Macallin (Jubba)

Abdikadir Jubba

Abdikarim I M. Raas

Abdilaahi Boqol

Abdillaahi Diiriye Sooraan

Abdilqaadir Hasan Nageeye

Abdinaasir Macalin

Abdinasir A Sulub

Abdinuur Alaale

Abdinuur Salaah

Abdiqaadir Akana

Abdikadir Bagaag

Abdiqaadir Sanka

Abdirabsha

Abdirahman Dowlo

 Abdirahman Saeed Hanagteye

Abdirahman Yusif - Cajiib2

 Abdirazak Bashir Mohamed

Abdisalaan Badacas

Abdisamed M ilkacase

Abdiwahab Naji

  

Abdow Aramram

Abdullahi Shariif Baastow

Abdulkadir & Eddy Mulder

African Stars

Ahmed Ali Egal

Ahmed Gacayte

Ahmed Inshaar

Ahmed Ismail Hussein 'Hudeydi'

Ahmed Mooge Liibaan

Ahmed Muhumed Good Shimbir

Ahmed Naji & Zeinab L Dhagax

Ahmed Naji Sacad

Ahmed Rabsho

Ahmed Yasiin Digfeer

AJ Abdiqadir Djibouti

Ali & Awrala

Ali Ukun - Filsan

Amina Abdilaahi

Amina Camari

Amina Fayr

Anab Ismaciil Jama

Aasha Abdoo

Awaale Aden

Aweys Qamiis

Aweys Qamis & Aamino Camari

BaastoowBacalwaanBanaadir Music

Basha Eilm Sacmal

Bashaal Dance Hits

 

Bashiir A Hussein

Bashiir Haddi

Bile Elmi

Binti Omar

   

Canab Abdirahman

Collection Music

Comedy Music Heeso Qosol 2

 

Daahir Gacamey

Dabin

Dararamle

Dawo

Deeqa Ahmed

Deeqa Bilan

Diin Ali Omar

Dream Team

Duniya Ahmed Baraxow

DUR DUR
waxaa idiin doo soo diyaariyaya daahir hanad

waxaa la ogeysiinayaa dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo eyjoogaan in aan bilaabeyno barmaamuj lagugu barayo luuqada englishka adigoo gurigaaga joogtid hadaba waa free wixii faah faahina oo aad ubaahantahay waxaa lasoo xeriirtaa maamulaha webkaan daahirhanad111@hotmail.com

warar xiiso badan oo kusaleysan xaqiiq iyo dhab hanadnews.4t.com

Soow luuntii anfaaciga
iyo kama go'in waxaan liqo.
Soow laamigaa wixii mara.
Kama daba lugeeyoo.
Laasim kuma malaystaba.
Lug kastoo dhaqaaqdaba.

Malaha leeylo gobo'leey.
Iyo laqdabaabad moodaa.
laakiin baad u aragtaa.
Beer laxawsigaygana.
Malaa caashaqa laftiisaba.
Malaqmayn karayside.
Mar haduu laftaadiyo.
Adi kugu lug duubnayn.
Wuxuu Layn ha laayee.
Waxba kaama lumayaan.

Ladnaan baad u hurudaa.
Laxooxdana u bidhataa.
Liirada talyaaniga.
Iyo yuuroo Lacagaheedaad.
Laydh qaboow ku nuugtaa.
Lahawyada aduunyadu.
Adi kuma labaayaan.

Malaha luunkaan i gawracay
iyo leeleelkan aan ahay.
Laxaw kuguma beeraan,
Malaa ludda kama dareensanid.
Leedo fuulka caashaqa sida uu u laba jaro.
Ciduu laadku ugu dhaco.

Lafa guridda Sheekada.
Liibaanto hay badin.
Inuu dhiigu liigee.
Luxudkana hay dhigin.
Waa lagu su'aaliye.
Ila laba lis Caashaqa.
Aan libin ka gaaree.

Macaaneey iga gudoon salaan
aan maaxanaayey maalmo badan
murti iyo macno wayn xambaarsan
malo awaal ka dheeroo manafacaad wada

Macaaneey hadii aan malaxa keeno maskaxdayda
Wabi baan makhuurtoo ma nooli
Caashaq baa i mudoo maan ma haayo
maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda
maalintaan ku waayana waan malganahay.

Macaaneey nafsigu waa mashaakile
maya hay oran
Macaaneey adaan magantaa ahee
maya hay oran
macaaneey adaan magantaa ahee
maya hay oran
Macaaneey haygu dayn mahiigaan
Oo meel cidla ah ha iiga tagin
adaan ku maagee


Baaxad dhaaf salaaniyo
bur jacayl malaboo
bogga iyo laabtiyo
Sambabada i buuxshoo
Badan oo balaaran
u buseelay iha hoo.

Bilaw weeyee iga qaad
Waa bishaaree Barqadayso
Wixii Baadiyeeyiyo
Balo aan ka dhawree
Basar ii dhagayso

Waan bukaa Xabiibi
Waa bastaye ma ogtahay
Beer iguma yaaloo
Adigay gala baxay
Bilcaan kale ma eegoo
Adaa ii baxaayee
Bishimahayga hadal iyo
Baashaal waan ka reeboo
Adaa ii baxaayee
Bisinkee xageen tagi?

Ba'da kale waxaan idhi
Balan aan ku siiyo
Axdi aan ku buuxshoo
Bar-baar kale ha eegin
Shaydaani burcad kuu marin
haka bixin aftida
Iftiin weeye baxayoo
Jirid weeye aan balaarane
Biqil weeye baqay hadeere
una badi waraabkoo
Baal mari shimbirtu
Waa ay baaburine
Oo abaayo ha bur burin jacaylka>
Fiiro Gaara.
Dulimada wax dila iyo
Dugaagiyo qaniinkiyo
Dira diraha iyo midka
Kala dila dadka is jecel
Ka digtoonoow daaniga
Daadihi oo ha sii dayn
Ka ilaali darayada
hadba kaynta daaqa leh
ku sii daa yuuna diifine
kana daa dudmada
Dagal nooma noqotee
Soo Dadaji Jawaabtana
. .............
. .............
Ubaxeey kal gacalkii
kaydka igu ahaabaa
kooraha isaaroo
ikadeeday anigee
.....
Sida roob kaliil da'aay
Kaymahoo isdhaafaay
Kaalintii ilayskiyo
Kaahii aayahaygaay
.......
Naftaydaad kafaysaa
Kashaydaad Dawaysaa
Kufkaygiina waad tahay
Kugu reemay Uabaxeey
.........
Kooraan jiita aadmiga
Dabci aan la kohanayn
Koonka ugu sareeyiyo
Ubax koodhay Dumarkaa
.........
Kaalmaynta Dariskiyo
Kadabkaa xalaasha ah
Waalidkeedii koriyey
Kawaddaa Karaamada
,........
Naftaydaad kafaysaa
Kashaydaad Dawaysaa
Kufkaygiina waad Tahay
Kugu reemay Ubaxeey

..................................

Dadka taan ka doortaay
Dareenkii wadnahaygaay
Diirkii jirkeygaay
Dooqeygu tuu raacaay
Waxaan kuu soo dirayaa
Salaan daacad ahoo debecsan
Diiranoo duunyoo idil iyo
Doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo
Halbowlaha dacaladiisiyo
Ku dahaaran qalbiga
Oo diiwaanka wadnihiyo
Ku daboolan caloosha
Ee adigana ha daayicinoo
Haygu sii deynin duurkee
I daryeel macaaneey
Daa'inkii ina uumayna
Waxaan kaaga dalbayaa
Deeq inuu ku siiyiyo
Caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed aan
Aan iska dabro salaantoo
Aan usoo daadago
Dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan
Duhur iyo habeen
Hurdadii u diiday
Anfacadiinna u daayay
Jaceyl bey duufsadoo
Duufaannada waxqaadiyo
Igu diray dabeylaha
Ee intaanan dulloobinoon
Duurka gelin
Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy
...............................................

Dooqiyo jaceylkuba
Dadka wey wadaagaan
Damac iyo xishoodna
Dumar lagama waayo
Diintiyo qur'aankuna
Culimadu ma deyso
Anna doonistaadii
Kama daallin inanyahay
Inaan kuu dandaranahay
Adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
Cowsha duurka joogtiyo
Dugaagiyo waraabahaan
Maalmahan la deris noqday
Waan daahayaayoon
Waan duulayaayoon
Adiga kuu duleysnahay
Degenaanshihii diidayoo
Cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin
Ama dooqu xumi gelin
Maxayna kala dareershay?
Waranka duxdiisiyo
Waxa adiga kuu daran
Anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
Sida wiirada duushoo
Geedaha dushooda
Marna aan ku degin baan
Nasashadii u diiday
muddo waan dulqaatay
Samir waan ku daallay
Dooddeenii maratay
Ruux inoo daneeyoo
Nabaddeenna doonoo
Cishqigeenna daryeelaan
Dunidaba ka waayee
Dib makuu helaayaa?

..........................................

Salaan cuddoonoo
Calooshiyo beerka
Cududada jirkeygiyo
Caqligeyga ka timid
Carrabkeyguna carrifoo
Cirkaa sareetiyo
Gaadhay caadkaa
Camidhay adduunyada
Oo ruuxey u caraftaa
La cajaa'ibayaan
Calaacalaha ku sidaaye
Cadareey iga guddoon
Ceynka kale cuddooneey
Cantar kii xijaabiyey
Ceebla' ciribta gooyay
Calimaax cunaha jaray
Ku dabaashay cowraloo
Cilmi aakhiro u diraa
Anna calanka ii suray
Carfooneey aawadaa
Ceyshkii ka go'ayoo
U ciishooday nafteydii
Cishqigeyga inuu jiro
Waxaa kuu caddeyn kara
oo misna kuu calaamad ah
Cadgo'a jirkeygiyo
Ceynka aan isku beddelay
Waxanse u cabanayaa
Calaaqaad inaan yeelanee
Ma ciseysay codsigan?

......................................

dhaayahaaga buluugga ah
Dhabanadaada guduudan
Timahaaga dhuxusha ah
Ilkahaaga dhalaalaya
Dhabarkaaga ballaaran iyo
Dhexdaadan la qoraan
Suleeqaay la dheygagay
Dumarkaad wax dheertahay
Dhismaha jirkaagaa
Dhaayihii mar arkaa
Dhinac u jeeso oggoleyn
Hadal iyo dhamaantii
Yey ila dhaqaaqin amaantoo
Adna aanan wax kuu dhimine
Murtideyda ila dhuux
Dhimbil baa igu dheggenoo
Maalmahan idhibeysey
Jaceyl bey dhaawacoo
Dhinacaaga iga helay
Caashaqa dhibkiisana
Qofka laguma dhaafo
Dhaawaciisa culusaa
Dhaqtarkiisu yaraa
Dhimashadiisu fududaa
Dhadhan waan ka go'ayoo
Hurdo dhinac ma seexdo
Adaan kuu dhararayaa
Ee dhayal warkey ha moodin!

................................................

Gacalisadaan jeclaayeey
Guud ahaan adduunyada
Adaan kaa garwaaqsaday
Gaduudkaaga dhiinka ah baa
Gebigeey isaaqay
Axdigii hagarabmarin
Guursanmaayo inan kale
God inaad gasho mooyee
Ama aad igoysaa
Garaadkey wuxuu isiiyey
Guur inaan yagleelnoon
Gurigeey ku geystoon
Gogol kugula seexdo
Ee gef miyaa gacalooy?
1

                                         .........................


  • Gabdhihii Ambiyadiyo
    ka sokoow asxaabtii
    Raxmooy adiga oo kale
    Ifka hooyo mey dhalin
    uur laguma soo sidin
    lamma soo abaabibnin
    Aabba muu gardaadinin
    ragna Arad ummey noqon
  • timmaheeda muu arag
    araxdeeda muu dhugan
    Abwaan caashaq lamma jilin
    ugaasooy kummuu oran
    habeen muu agjiifanin
    umma uu abaalgudin
    Abboowana kummey dhihin,
    ammaantaada gacalooy
    ma idleynkaraayee
    Alloow aadan iil tagin
    innagoon aroosgalin
    Oorideyda aad noqon.

    Ina-Aadan Deeqeey
    qurux aabbaheedeey
    indha-caashaqleeyeey
    ayaan iyo nin hood lahaad
    Raxmooy ubad u qaaddaa
    ood Arad xalaal iyo
    ilmasida u noqotaa,
    aqal kaala toosaa
    ballantaada oofshoo
    immin dhexe habeenkii
    timmahaaga alabsadee
  • oofaha ku seexdeen
    naasaha ibtoodiyo
    kuu salaaxa oogadoo
    adoo godol u agabdhigay
    neeftaada udugga leh
    sidii ila durdurayaan
    afkiisii ka buuxsada,
  • ujeeddadu waxey tahay
    jacayl baa i abbaaroo
    Raxmooy aawadaa baan
    dummar uga agaagee
    eraygeynu dhiganniyo
    axdigii ha eexanin
    Alloow aadan iil tagin
    innagoon aroosgalin
    Oorideyda aad noqon
  •  

  • 1. Xumaan iyo nabsi

     ruux xambaarsaday

     xashaash ku noolaan

     maayo, xaqdaro nin

     ku dhaqmaayo

    xakinkaa arkaayo

     xaqiiqdii guul ma

     gaaraayo, xiliga

     maanta la joogana

     xaalka aduun yaalo

     xifaalo malaha xili

    leys xisaabinaayo

    xabaasha aaqiro

    waaye ee xiskiina ku haaya.

     

     

    2. Dunidaan dabjirkeeda

    dayaxa laalaayo,

     dunidaan da'yarteeda

     dagaalka loo carbinaayo,

     dunidaan duqowdeeda

     nabada aan doonayn,

     dunidaan labadii is doorato

     dakano layskugu diidaayo

     dabkeeda ma yara,

     ana inaan daacad kuu ahay

     marna aanan ku dageynin

     damiirkaada u sheeg,

    wadnaheyga dushiisa iyo

     beerkeyga dacaladiisaan

    darin kuugu dul fidinayaa

    dareen la' aan ku dul seexo

    , hadaadan intaas ku daganeynin

    laabtaada sii danqaneyso

    dartaa waalidkeyga ha ii dilo

     ama duhurkaan ha ii deyrsho

     deg deg daartaada igu geyso.  

     

     

     

    3. Taariikhdaada nolosheyda

     kama tirmeyso ee talaahi

    aan ku dhaartay talaabkastoo

    aan qaado adigaan ku

    towaa taajkii arooskaaga

    tabaabusheysigiisa aan ku

    jiraa ee taajirnimo iima

    laabnee toosaneey

    taladeena waa toostee

    tacab shiid waa ka baxnee.

     

       

     

    4.  Ma jiraa jaceyloo?

    Ma jiraa jaceyloo,

     qofaad waanisoo

     wehel aad kadhigatooa

     warkiisa aad raacdoo

     waji aan wacneyn

    wax tar kaaga dhiga?.

       Ma jiraa jaceyloo

     qoraaf saad satoo

     saadir aad katuugtoo

    suubanaantii caashaqa

     samaantii jaceylka

     midna aan kusiin?

       Ma jiraa jiraa jaceyloo

     qofaad jamatoo

     jirkaaga moodoo

     aan jiirnaxaynoo

     jiriricyo jaceyl

    midna aan u jeedin?

       Ma jiraa jaceyloo

    qofaan kuu naxaynoo

     naftaada moodoo

     nuurkii caashaqa iyo

     naxariistii jaceylka

    midna aan ku siin

      Ma jiraa jaceyloo

     qofaad qiima wacan&

     qaayo wacan u yeeshoo 

     hadana aan kuu qireyn?

     

     

     

    5.  Sahal maahan caashaqa 

    hadaan lagula sideynin

    sibir waaka qaraar yahay

    samada iyo dhulka

    dhaxdooda saan qaadku

     badanaa samirkuna

    wacanaa silsilad waaye

     dunidaane hadba si

     kugu soo mareyso,

     sifaalaha nikaaxa sifahiisa

    furiin maxaa ka dhigay?. 

     

     

     

    6.  Dadaal aduunyo iyo

     dulqaad dib umaan

    dhigin damac daranaa

     dusha leyga saaray

    daaraha dushoodbaa

     dahab ley suray,

    dad kulul aan danqasho

     laheyn dooqaaga

    haduu galo dad looma

     eedsado, daahirii

    rasuulkeena iyo daa'inkii

     na abuurtaan dartood

     aan kugu deeyay. waxaa diyaayiayay daahir hanad 

     


1

 

1

 


Behind the Scenes of My Home Page

www.hanadnews.4t.com Waa sheeko xiiso badan sheekadan waxaa la yiraahdaa beerqaad ka akriso.Sheekadani waa sheeko dhab ah oo aan aheen qiyaali la iska qoray waxaadna ka arki doontaa qisooyin jaceel, gabayo, geeraaro, heeso waraaqo la is waydaarsaday.

Waxa ay aheed maalin dadka ay nasasho ku jiraan waa jimce xili roobaada dadka magaalada muqdisho inta badanina ay ku faraxsanyihiin nasashadooda & saxansaxada roobaadka ee wada saaqday dhamaan dadweeynaha dagaanka & nawaaxigeeda.

Maxamed & axmed waxa ay ku jiraan faraxda wacan waxaana iyaga intaa udheered imtixaankii sanad dugsiyeedka oo loo soo dhajiyay kuna baaseen.

Waxa ay sod kumarayaan wadada wayn ee shabeele waxa ayna ka yimaadeen kulan dhalinyaro oo iyagu udamaashaadayay baasitaankooda waxa ayna kawada sheekeeysanayeen qaabkii gurmadka & jaamacadii ey dooran lahaayeen labadooda mid waxa uu xooga saarayay kuliyada beeraha halka midka kale xooga saarayay mida saxaafada waxaana u dhaxeeysay dood dheer oo ku saabsan qaabkii ay hal jaamacad u wada dhigan lahaayeen dooda labada wiil dadka wada maraya ad ayeey ula yaabayeen laakiin hadana dadka oo dhani waxa ay dareensanaayeen farxada jirta manta.

Waxaa labada saxiib agtooda maray labo gabdhood oo si aada u xaragoonaya aad umuuqaal qurxoon laakiin sheekada labadaan saxiib yaa moodaa in ay qiimo gooniya u laheed si walba xaalku ha noqdee waxa ay soo gaareen labadii gabdhood.

Waxaana warkii bilaabay maxamed oo isagu ahaa nin sheeko& kaftan badan kuna bilaabay warkii sidan.

Abaayo waan idin salaanay subax wanaagsan see tihiin mid ayaa la soo booday.

Waal fiicanahay walaale wacan oo wanaagsan warama adinku sidee ayaa tihiin.

Waan fiicanahay abaayo ilaahbaa mahad leh saaka waa qaboow saxansaxo roobaad ayuu yiri maxamed siina raaciyay warkiisa abaayo magaceeygu waa maxamed wiilkaana waa saaxiibkey waxaan la yiraahdaa axmed barasho wanaagsan.

Wacan oo wanaagsan anigana waxaa la iyiraahdaa farxiya saaxiibteeyna waxaa la dhahaa canab barasho wanaagsan ayeeyna sii raacisay.

Abaayo waan ku faraxsanahay in aanu isbarano anagu saaka waxaan wadada u soo galnay kaliya in aana hawadaa macaan qaboowsano waxaana ala xamdigii noogu siyaaday barashadiina.

Farxiya ayaa tiri walaahi nafteena waxaanu daneeyneeynay hawadayada macaan laakiin ogoow soomaalidu arimahaa ma daneeyaan oo dhulkooda kheeyraadka eebe ku maneestay ma aaminsana waxa ayna u heestaan dhul abaaro & gaajo hala keeyeen.

Maxamed ayaa yiri soomaalidu manta xamdiga & nimcada ay ku jirto uma jeedo laakiin maalin kale ayeey xasuusan doonaan waxaadna mooda in soomaalida manta dalkoodo uusan umuuqan.

Waa sidaas ayeey farxiyo tiri balse wax waliba waxa ay ku danbeeyaan waan ogaan doonaa ayeey tiri farxiya labada kale ee canab & axmed waxa ay ku jiraan fikir isfiirin aamusnaan waxaadna moodaa in ay isku dabci yihiin.

Waxaa hadalkii mar kale ku soo noqday maxamed oo eedeen dusha uga tuuray canab & axmed kuna eedeeyay labo aamusan isla markaasna raba in loo qeeb qaado laakiin arinkaa waxaa gaashaanka ku dhuftay axmed oo yiri sidan.

Saxiib maxamed arinku sidaas maahan laakiin wax waliba waxa ay ubaahanyihiin xusho&qadarin hadalka waxaa ku jira adiga&farxiya in aanu idin aamini wayno in aad namatashaan ama aanu idinka aghadalo waa ceeb.

Canab ayaa tiri waa run oo soomaalidaa waxa ay tiraahdaa hadal aan fiiro loo dhihin & caano aan fiiqsi loo cabin feeraheey wax yeelaan marka wax waliba waxa ay ubaahan yihiin fiirsasho tixgalin balse maahan in aanu rabno in aad adinku noo qeebqaadaan.

Maxamed ayaa yiri xaalku waa sidaa waadna mahadsantihiin laakiin waxaan rabnay uun in aad warka noo badisaan balse hadii aad noo garateen in aanu idin matalno waxba kama qabno markii xaalku halkaasi joogo ayaa waxaa biloowmay roob badan waxaana maxamed codsaday in ay fadhiistaan goob cabitaan oon sidaasi uga fageen dhalin yarada

Farxiya oo iyadu aheed dhiga maxamed ayaa tiri waxba maahan waan fadhiisan karnaa maxamed aya si dhaqsiyo leh isagoon lamaanihii kale wax wara uga sugin la soo booday waad mahadsantahay ina keena waxaana loo dhaqaaqay dhankii uu ka muuqday tabeelihii goobta cabitaanka waana lagalay lana eegtay goob ku haboon fadhigooda waxaana la wada fadhiistay kursi khaasa afartoodii waxaana laguda galay cabitaano jaadjada qof & dooqii waxaase aad ula yaabeen runtiina dhiigooda sii kiciyay farxad daraadeed hees aad u wanaagsaneed oo halkaa ka shidneed waa heestii boqorada codka xalimo khaliif magool ee aheed jaceel dhiig malagu qoray macaansiga ereyda aad ayeey ujecleesteen guud ahaan dadkii meesha fadhiyay gaar ahaan afartii lamaane ee meesha fadhisay ereyadii heesta waxaa ka mid ahaa

Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen

Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.

Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu

Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen

Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen

Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen

Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa

Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen

Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen

Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn

Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan

Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo

Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan

Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman

Waaw waxa aan filayaa in dad badan oo hada akhrinaya sheekadani ay xasuus badan ku heeyso heestani waxa ay si aada uga faaloonayeen waxa uu yahay jaceelku qof walibana qofbuu waydiinayay jaceelka laakiin nasiib daro waxaa dan muhiim ah sheegtay(canab) waydiisatana lamaanayaashii&axmedba in la fasaxo manta dibno loo balamo ,

Arinkaasi maxamed aad ayuu ugu adkaaday laakiin farxiya ayaa soo bandhigtay iyaduna in ay manta rabeen in ay soo booqdaan gabar ay saaxiibo yihiin oo xanuusaneed

Axmed oo ah nin aad u naxariis badan ayaa codsaday in lafasaxo gabdhaha kana codsaday saxiibkii maxamed isaguna wa aqbalay laakiin waa labalamay in la isku yimaado maalin ka dib runtii aad ayaa la isku gacan qaaday waxaana la kala dareeray iyagoo aad moodo in xiiso gooniya la isku qabo nabadeey&nabadeey ayaana la is yiri

Axmed &saxiibkii maxamed waxa ay soo aadeen danahoodee waxa ayna is weeydiinayaan gabdhaha& jaaniska manta ay heleen waliba axmed waxa u aad ula yaabanaa qurucda&edabta(canab)waxa uuna hoosta ka xariiqay in canab dhiniciisa tahay saxiibkii maxamedna waa uu ku raacay maxamed&axmed waxa ay is weeydiinayeen heesta waxa uu axmed yiri anigu waxaan aad u xasuustaa heestii waxaana wacdaro nafteeyda ku reebay& xasuus gooniya beetkan ayuu yiri axmed Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.

Maxamed isaguna saxiibki aad ayuu ugu qiray quruxda iyo asluubta mida uu u doortay in ay wahel unoqoto dhinaca kale (canab)&farxiya ayaa iyaguna galay xasuus gooniya runtiina kulanki saakla ula muuqday kulan heer sareeya waxa ayna hoosta ka xariiqeen hadii wiilasho la yimaadaan qaab wax ku oola laguna hiran karo in ay wax la qabtaan runtiina waxa ay wada qireen gabdhuhu in wiilashu yahiin rag wanaagsan waxna lagu darsan karo dhinaca kale waxa ay is waydiiyeen heestee macaaneed canab ayaana iyadu la soo booday in ay aad u xasuusato tududii aheed Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen...waxaa qalinka uqaatay daahir hanad..

waa qisooyi iyo arimo jaceyl oo dhab ah